Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo weeraray xarun warbaahineed oo ku taal Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Mustaqbal.jpg?resize=560%2C420&ssl=1

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday xarunta ay Muqdisho ka deggantahay warbaahinta madaxa-bannaan ee Mustaqbal.

Mas’uuliyiinta warbaahinta Mustaqbal, ayaa sheegay in ciidamada weerarka qaaday ay jirdil xooggan u gaysteen qaar kamid ah shaqaalaha idaacadda, islamarkaana burburiyeen qayb kamid ah Qalabkii xarunta halka qaar kalena ay la tageen.

 “Ciidanka dowladda ee galay xarunteenu waxa ay geysteen Jirdil shaqaalaha qaarkood, Waxa ay qaateen Dhammaan qalabkii Warqabadka, Maamulka iyo Telefishinka. Aad ayaan uga xunahay in ciidanku noola dhaqmay sida dad cadow ah oo si gaar ah loo beegsanayo,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay warbaahinta Mustaqbal.

Waxa aan codsaneynaa in nalaga qaado ciidanka iyo hubka yaal Albaabka xarunteena oo aan u aragno hanjabaad iyo awood sheegasho! Sabab naloo argagixiyo ma jirto, haddiiba ciidanka oo na difaaci lahaa na dilayo, hantida iyo Qalabkana qaadanayo waa maxay shaqada ay qaban doonaan ee kale?” ayaa la sii raaciyay warka.

Warbaahinta Mustaqbal ma sheegin sababta keentay in la weeraro xaruntooda, waxaase magaalada ka jirta xiisad colaadeed oo u dhexaysa ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa mucaaradka oo maalin ka hor isku dhacyo dhex mareen.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda Soomaaliya oo weeraray xarun warbaahineed oo ku taal Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this