Sign in to follow this  
Deeq A.

Barakac horleh oo ka billowday MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho waxaa ka billowday barakac xoogan oo ay sameynayaan dadka deegaanka, kuwaas oo ka cabsi qaba inay waxyeelo kasoo gaarto dadaallada kasoo cusuboonaday gudaha caasimada.

Shacabka ku dhaqan degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Waabari ee gobolka Banaadir ayaa xalay iyo saaka billaabay inay isaga hayaamaan guryahooda, kadib markii ciidamada taabacsan mucaaradka ay aag ka sameysteen xaafadda Siigaale ee magaalada Muqdisho.

Xaafadaha laga qaxay waxaa ka mid ah Taleex, Siigaale, Shanta Geed iyo xaafadaha ku dhow isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa billaabay inay u gaaraan xaafadaha kale ee ka caagan dhaq-dhaqaaqyada, sida degmooyinka Wadajir, Dharkenley, Kaxda iyo duleedka caasimada.

Inkastoo ay wada-hadallo socdaan ayaa haddane waxaa jira abaabul xoogan oo ay wadaan labada dhinac, kuwaas oo haatan isku bira tumanayo.

Muqdisho ayaa xaalad dagaal gashay, kadib markii ay caasimada gudaha u soo galeen ciidamo diidan muddo kororsiga loo sameeyey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), kuwaas oo qabsaday qeybo badan oo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho.

The post Barakac horleh oo ka billowday MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this