Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo mar kale u hanjabay madaxda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
  • 118046031_2711b729-98c0-4df3-ab00-1a4bcdAntony Blinken xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay isku dhacyadii rabshadaha watay ee maalin ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mareykanku wuxuu ugu baaqay dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya inay is xakameeyaan oo ay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan oo ay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda. Wadahadal iyo is afgarad waa dariiqooyinka kaliya ee lagu xalin karo caqabadaha doorashada, waxaana ku boorineynaa dhinacyada in ay mar kale dib u bilaabaan wadahadalada, si loo gaaro doorasho deg deg ah” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka.

Mareykanka ayaa mar kale ku celiyay in uu diyaar u yahay in uu cunaqabateyn iyo xayiraad dhanka fiisaha saaro cid kasta oo loo arko in ay curyaaminayso dadaalada nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

“Sida uu xoghayaha horey u sheegay, Mareykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tixgaliyo dhamaan wadiiqooyiinka ay ka mid tahay cunaqabateynta iyo xaddidaadda fiisaha, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka Mareykanka.

PUNTLAND POST

The post Mareykanka oo mar kale u hanjabay madaxda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this