Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo ku baaqay shir deg deg ah

Recommended Posts

Deeq A.   


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay xabbad in shir deg deg ah la isu’gu yimaado, si xabbad-joojin looga hirgeliyo magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan jeediyey, kadib markii uu la kulmay xubnaha bulshada rayidka, waxaana uu sheegay inuu ka xunyahay dhibkii ka dhacay magaalada Muqdisho 24-kii saac ee u dambaysay.

Waxa uu sheegay in uu ku baaqayo shir degdeg ah oo ay kasoo qaybgalaan waxgaradka Muqdisho iyo siyaasiyiinta, kaasi oo uu sheegay in xaaladda lagu dejinayo looga arrinsanayo amniga.

Baaqa Rooble ayaa imanaya iyadoo weli magaalada ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, kadib markii ay shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradsan mudda kordhinta dowladda.

Halkaan ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo ku baaqay shir deg deg ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this