Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku-xigeenka Oo Ka Qayb-galay Kulan Ay Dawladaha Hoose Iyo Hay’adaha Ka Shaqeeya Maamul daadajintu Ay ku Kala Saxeexanayeen Wada Shaqaynta Barnaamijka JPLG-ga.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylci) ayaa ka qayb-galay kulan ay dawladaha hoose ee dalka iyo qaar ka mida wasaaraduhu ku kala saxeexanayeen barnaamijka JPLG-ga ee maamul daadajinta dawladaha hoose.

Kulankan oo ay kasoo qayb-galeen Maayiradda lix-degmo iyo wasaaradaha waxbarashada iyo caafimaadka ayaa laysaga kaashan-doona sidii loo sii dar-dargelin lahaa adeegyada caafimaad iyo waxbarasho ee dagmooyinkaas.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylci) oo kulankaasi khudbad ka jeediyay waxa uu sheegay in mashruuca JPLG-ga uu soo maray marxalado kala duwan oo bilaw ah maantana uu kor u qaaday qaar kamida baahiyaha aasaasiga ah ee dagmooyinka qaar, isagoo Madaxweyne ku-xigeenku xusay in degmooyinka aan qaybta ka ahayn barnaamijkana qaar kood lagu darayo sanadkan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this