Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda Muqdisho Ee Saaka Kaddib Dagaalladii Xalay Gilgilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa saaka deggan xaaladda magaalada Muqdisho kaddib dagaallo culus oo shalay iyo xalay ka dhacay magaaladaasi.

Qaar ka mid ah waxgaradka magaalada ayaa wada dedaallo ay ku doonayaan in lagu soo afjaro collaadda.

Wasiirka Amniga gudaha ee dowladda federaalka ee Soomaaliya, oo xalay hadlay ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay ka hortageen waxa uu ugu yeeray maleeshiyaad ay soo abaabuleen dadkooda iyo dalkooda u naxayn.

Hasayeeshee hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa sheegay in ciidammada dowladda ay weerrar ku soo qaadeen, oo doonayaan inay khaarijiyaan, waa sida ay hadalka u dhigeenee.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha oo waabarigii hadlay ayaa ku amray ciidammada ammaanka inay waajibaadkooda qaran gutaan oo ay ammaanka shacabka sugaan.

Weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aaden, oo Muqdisho ku sugan ayaa ka waramaya xogtii ugu dambaysay

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this