Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo walaac xooggan ka muujisay isku dhacyadii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Bahda Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsantahay isku dhacyada saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaa soo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

War ka soo baxay Qaramada Midoobay, ayaa loogu baaqqay dhammaan dhinacyada  oo dhan, in ay muujiyaan is xakamayn, si looga baaqsado in isku dhacyadu sii socdaan.

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn.”

Qaramada Midoobay, waxay sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada, in ay si dhakhso ah dib ugu laabtaan wada-hadal deg deg ah, si heshiis looga gaaro is marin-waaga ka taagan Arrimaha doorashooyinka dalka.

Rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah.”

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo walaac xooggan ka muujisay isku dhacyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this