Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay Kaydkii Qaraxyada Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Qaraxyo.jpg?resize=960%2C720&ssl=1

Ciidamada Daraawiishta Puntland, gaar ahaanna Birmadka madaxtooyada, oo saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka magaalada Boosaaso, ayaa gacanta ku dhigay kaydkii Qaraxyada Al-shabaab.

Telefishinka dowladda Puntland ayaa sheegay in Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen god Al-shabaab ku kaydsatay Qaraxyo, islamarkaana qarxiyeen miinooyin ku jiray godka, oo kayd qarsoon u ahaa kooxda.

Puntland TV, wuxu sidoo kale tilmaamay in Ciidanku ay godkaas ka soo saareen tiro bambooyinka gacanta laga tuuro iyo agab kale, oo qaraxyada laga sameeyo, kuwaas oo Al-shabaab ku aastay godkaaas.

Laamaha kala duwan ee Amniga Puntland, ayaa todobaadyadii u dambeeyay hawlgalo ka waday magaalada Boosaaso iyo Buuraleyda ku dhow halkaas oo ay ku dhuuntaan Al-shabaab iyo Daacish.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay Kaydkii Qaraxyada Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this