Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Safiir cusub oo ay soo dirtay Ethiopia oo maanta soo gaaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya, kaasi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Safiirka cusub oo lagu magacaabo Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa waxaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay, islamarkaana warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuubakar.

Safiirka cusub ayaa beddelay Jamaluddin Mustafa oo muddo ahaa safiirka Ethiopia ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda, wasiirka ayaa safiirka ugu baaqay inay mideeyaan dadaallada labada dal, si ay uga faa’iideystaan furasadaha iskaashi.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu qiimeynayo wada-tashiyada ay wadaagaan labada dal ee ku aada arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka ee ay wada daneeyaan.

Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku daray in safiir Cabdulfataax “uu xaqiijiyey taageerada dalkiisa u hayo” shacabka iyo hay’adaha dowladda Soomaaliya, uuna “ku faraxsan yahay” inuu ka shaqeeyo Soomaaliya, si uu u horumariyo xiriirka labada dal.
178390513_899665093945196_74802836487209 178224526_899664613945244_75586868164088 178205620_899664650611907_48745326794218 177499778_899664730611899_51456134832917 178386972_899664753945230_46521337167616 178349512_899664783945227_70056014699886 177534215_899664860611886_79297060229539 178432441_899664890611883_36229617692806 178515240_899665057278533_51384473450518

The post Sawirro: Safiir cusub oo ay soo dirtay Ethiopia oo maanta soo gaaray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this