Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Dibad-bax ka dhan ah Farmaajo oo ka billowday qeybo ka mid ah Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd ka bilowday magaalada Muqdisho banaanbax looga soo horjeedo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo, waxaana dhigay qaar kamid ah dadweynaha magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dibad-baxaan ayaa hadda ka socda Isgoyska Fagax oo kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaran ee Gobolka Banaadir, halkaas oo lagu soo waramayo inay gacanta ku hayaan ciidamo ka gadoodsan dowladda waqtigeedu dhamaaday.

Dadka banaan-baxa dhigaya ayaa waxay ku dhawaaqayaan ereyo ka dhan ah Farmaajo,oo ay si weyn uga soo horjeedaan, sidoo kale waxay taayaro ku gubayaan bartamaha Isgoyska.

Ereyada ay dibad-baxayaashu ku dhawaaqayaan ayaa waxa kamid ah “Muddo kororsi doonimeyo, Farmajo doonimeyo iyo kaligii talis doonimeyno”.

Waxay gebi ahaanba hakiyeen isku socodkii gaadiidka ee Isgoyska Fagax, ayada oo amaanka banaanbaxayaasha ay sugayaan ciidamo Millateri ah oo saacado ka hor la wareegay Isgoyska Fagax, kuwaasi oo ka gadoodsan dowladda.

Xaalada Isgoyska Fagax ayaa kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in banaanbaxaan uu saacadaha soo socdo kusii faafo degmooyinka kale ee gobolka, ayada oo warbaahinta la hadli doona warbaahinta saraakiisha kasoo horjeeda muddo kororsiga ee kasoo horjeeda Farmaaj.

The post Daawo: Dibad-bax ka dhan ah Farmaajo oo ka billowday qeybo ka mid ah Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this