Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Dab-Demiska Qaranka Burco Oo Badbaadiyay Ilmo Yar Oo Masqul Ku Dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Cabdifataax Maxamed Liibaan oo ka tirsan saraakiisha ciidanka dab-demiska ee magaalabada Burco, ayaa sheegay in hawl-galka ilmahaas yar lagu soo badbaadiyay ay ka qayb-qaateen xubno ka tirsan ciidanka dab-demiska ee degmadaas, waxaanuu intaas ku daray in ciidankaasi u gurmadaan dhibaatooyinka ka dhaca degmadaas, sida dab-ka iyo waxyaabaha ciidankaas gurmadka looga baahdo.

Geesta kale masuul ka tirsan cisbitaalka guud ee magaalada Burco ayaa sheegay in xaaladda ilamahaas yar masqusha ku dhacay ay hadda wanaagsan tahay.

Ugu dambayn qaar ka mida qoyska ilmahaas yar ee masqusha ku dhacay, ayaa u mahadceliyay ciidanka dab-demiska qaranka ee soo badbaadiyay ilmahaas yar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this