Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr. Baadiyow: In JABUUTI lagu tilmaamo cadow waa jisaarnimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiriirka sii xumaanaya ee dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dr. Baadiyow ayaa shaaca ka qaaday in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay garab u yihiin Soomaaliya, isla-markaana ay jisaarnimo tahay in xilligan cadow lagu tilmaamo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in wax laga xumaado ay tahay erayada kasoo yeeray dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasiir Cismaan Abuukar Dubbe.

“In Jabuuti lagu tilmaamo cadow waa jisaarnimo iyo habowsanaan. Rageyni joogay heshiiskii Carta 2000 aad ayaan uga xunnahay erayadaas,” ayuu yiri Dr. Baadiyow.

Siyaasiyagn oo mar isku soo sharraxay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaalidu aysan illaabi doonin abaalkii weynaa ee uu u galay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo xaal-marin siiyey dhammaan walaalaha reer Jabuuti.

“Reer Jabuuti xaal ha qaateen, gaar ahaan M. Ismaciil C. Geelle. Somalidu ma ilaabayaan meesha aad ka keenteen dowlladdooda 20 sano ka ho,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada dowladda Soomaaliya ay digniintii u dambeysay shalay u dirtay xukuumadda Jabuuti, kadib markii ay ku eedeysay inay fara-gelineyso Soomaaliya.

The post Dr. Baadiyow: In JABUUTI lagu tilmaamo cadow waa jisaarnimo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this