Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Beyle: Waxa na soo wajahday dhaqaale xumo daran sagxad baan ku soconnaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in markii u horraysay dowladda ay soo food-saartay dhaqaale xumadii ugu darnayd, kadib markii deeq-bixiyaashu ay ka jarteen dhaqaalihii ay siin jireen dowladda Federaalka.

Wasiir Beyle, ayaa sheegay mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada dowladda, oo ay ku jiraan cuntada iyo adeegga Ciidanka ay ku baxdo lacag dhan $30 malyan oo Dollar, taas oo aysan xataa kala barked dowladdu heli karin, kadib markii laga jartay lacagtii kabka ahayd ee Caalamku bixin jiray.

Kabkii nala siin jiray waxaa nalaga jaray Agost, Sacuudiga oo lacag noogu deeqayna waxay naga dhamaatay December, Qatar waxa ay nasiisay xoogaa weyna dhammaadeen, marka maanta waxa aan ku soconaa sagxadda” ayuu yiri wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday, in ay dowladda dhaqaale siiyaan, si looga kabto dhaqaale xumada soo wajahday dowladda, islamarkaana aan gacan shisheeye wax looga sugin.

Sidoo kale, wuxu tilmaamay in uu soo bandhigi doono akoonno lagu caawiyo dowladda, kuwaas oo qof kasta laga rabo in uu ka qayb-qaato Qaaraanka lagu ururinayo.

PUNTLAND POST

The post Wasiir Beyle: Waxa na soo wajahday dhaqaale xumo daran sagxad baan ku soconnaa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this