Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo militari ah oo kasoo horjeestay mudo kororsiga Farmaajo iyo xaalada Muqdisho oo kacsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan milateriga DF ee ku sugnaa difaacyada deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho soo galay, kuwaasi oo sheegay inay kasoo horjeedaan mudo kororsiga labada sano ee Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynihii mudo xileedkiisa dhamaaday.

Ciidamadaan oo ku hubeysan gaadiid dagaal oo ku dhow boqol ayaa qaarkood gudaha magaalada usoo galay, gaar ahaan degmada Kaaraan, kuwo kalena ay kusoo wajahan yihiin.

Markii arrintaan ay ka war heshay madaxtooyada ayaa waxaa wadooyinka la dhigay ciidamo kale, kuwaasi oo xiray isgoysyada qaarkood.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Farmaajo uu ku amray taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage in uu ka hortago ciidamadaasi, hase ahaatee Jen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa gaaray deegaanka Sheekh Cali Cabdulle oo ciidamadaasi taliyeyaashooda ay ku sugan yihiin, wuxuuna kula kulmay Col. Saneey Cabdulle oo hoggaaminaayo ciidamadaasi, wuxuuna kulankooda noqday mid aan waxba kasoo bixin.

 Col. Saneey ayaa u sheegay Jen. Odawaa in ay ciidamada kasoo horjeedaan mudo kororsi isla markaana ay beri mowqifkooda warbaahinta u caddeyn doonaan.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa amray Cali Guudlaawe in uu arrintaan wax ka qabto, maadaama taliyeyaasha ciidamadaan ay heyb ahaan wadaagaan, hase ahaatee Cali Guudlaawe oo la xiriiray saraakiisha ciidamada ayaa ku guuldareystay dalabka Farmaajo in la fuliyo.

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho ayaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan iyo saan saan aan wanaagsaneyn.

Wixii warar ah ee kusoo kordha xaalada magaalada Muqdisho wararkeena danbe ayaa si toos ah ugula socon doontiin IA.

The post Ciidamo militari ah oo kasoo horjeestay mudo kororsiga Farmaajo iyo xaalada Muqdisho oo kacsan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this