Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Dube oo hadlay, kolkaan wuxuu diiday Qodobadii kasoo baxay Midowga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Xilka kororsaday Cismaan Dubbe oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay diidan yihiin Qodobo kamida Qodobadii kasoo baxay Midowga Afrika ee ku saabsan Xaalada Soomaaliya.

Wasiir Dubbe wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan in Midowga Afrika ay Ergo usoo diraan Soomaaliya laakiin ay diidan yihiin labadaan qodob.

  • In Mudaoga Afrika uu Cambaarayay Mudo kororsigii
  • iyo In Ciidamada Amisom ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidamada Xukuumada Soomaaliya.

Hadalkaan Wasiirka ayaa yimid kadib markii Raysal wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi uu shalay Farmaajo kula taliyay inuu diido Go’aanka Midowga Afrika.

Kulankii Midowga Afrika ka yeesheen Xaalada Siomaaliya iyo Dalka Chad ayaa lagasoo saaray Qodobo ku aadan Xaalada Soomaaliya, Qodobadaas waxaa kamid ahaa Qodob lagu cambaareynayay Mudo kororsigii uu Golaha Dhacabku u sameeyey Madaxweyne Farmaajo iyo Qodob oranaya in Ciidamada Amisom ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidamada ka Amar qaata Villa Soomaaliya.

Puntlandi.com Muqdisho

The post Wasiir Dube oo hadlay, kolkaan wuxuu diiday Qodobadii kasoo baxay Midowga Afrika appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this