Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Dubbe: Go’aanka Midowga Afrika wuxu dhaawac ku yahay Qabka Ciidamada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sharci-darro ku tilmaantay go’aan ka soo baxay Midowga Afrika, oo ku saabsan in Ciidamada AMISOM la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidamada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin go’aankaas.

Wasiir Dubbe, wuxu sheegay in arrintaas ay dhaawac ku tahay Qabka iyo Sharafta Ciidamada Soomaaliya, islamarkaana aysan ku jirin waajibaadka AMISOM in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidamada dalka.

Waa arrin la yaab leh qodobkaas waana sharci darro, waxa uu si cad uga horimaanayaa waajibaadka shaqo ee amisom ee ah qaraarka 2568 ee ka soo baxay golaha amaanka qaramada midoobay” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale, wuxu cambaareeyay dalalka Jabuuti iyo Kenya oo sida uu sheegay ka dambeeyay in go’aanka noocaas ah laga soo saaro Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka oo Qoraal ah

Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweynaysaa soo jeedinta ku saabsan Ergey gaar ah oo ka socda Midowga Afrika, kaas oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhowaan ka codsaday Guddoomiyaha Midowga Afrika, Madaxweynaha Congo Félix Tshisekedi si arrimaha Afrika ay uga wada shaqeeyaan Afrikaanku

Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxa ah dareen iyo suaal ka muujinaysaa hadalkii Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika (PSC) ku cambaareeyey go’aankii Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee 12kii April ee ku saabsanaa in dalku aado doorasho qof iyo cod ah iyo metelaad shacab oo dhammaystiran. Ma jiro urur caalami ah, ama urur goboleed oo sharciyan cambaarayn kara go’aan Baarlamaan dal madaxbanaan. Arrintaas waxan u sheegaynaa in aanay ahay sharci. DFS ma soo dhoweynayso hadalkaas.

Dowladda Federalka Soomaaliya waxay u aragtaa mid aan sax ahayn qoraalkii Golaha ee loogu soo jeedinayey Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxa ay u aragtaa mid niyad jebinaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Sidoo kale dowladdu waxa ay u aragtaa qodobkaasi in uu yahay mid sharci darro ah. Sababta oo ah wuxu si cad uga hor imanayaa Maandhaytka ama waajibaadka shaqo ee AMISOM oo ku cad qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2568 ee soo baxay 12kii March 2021. Waxa kale oo uu ka hor imanayaa Qorshaha Soomaaliya ee Masuuliyad kala wareegidda Ciidamada AMISOM (The Somali Transition Plan) (STP) oo soo baxay Febraayo 2021. Sidoo kale waxa ay gef ku tahay sharafta, qabka iyo haybadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, sidoo kalena wuxu taageero iyo hiil u noqonayaa, culayskana ka qaadi karaa ururada argagixisada ah ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed habeen iyo maalin dagaalka kula jiraan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay, walaac xooggana ka qabtaa waddamada Kenya iyo Jabuuti oo olole xooggan u galay sidii Goluhu u soo saari lahaa go’aammo liddi ku ah Baarlamaanka iyo Xukuumadda JFS.

Waxaanuna is cad u sheegaynaa Soomaaliya in aanay kalsooni ku qabi doonin shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay guddoominayaan ama ka talinayaan waddamada aanaan heshiiska ahayn, taas oo uu noo ogolaanayo qodobka 11aad ee a Protocal ka Golaha Nabadda iyo Ammaanka oo si cad u sheegaya in meel looga soo wada jeesto, go’aanna laga qaato wixii waxyeelaya madaxbanaanida dal Afrikan ah.

Ugu dambayn waxan waddamada Afrika ugu baaqaynaa in ay ka wada shaqeeyaan nabadda, ammaanka iyo iskaashiga qaaraddooda, mushkiladohoodana ku xaliyaan xeerarkooda iyo axdiyada u degsan.

PUNTLAND POST

The post Wasiir Dubbe: Go’aanka Midowga Afrika wuxu dhaawac ku yahay Qabka Ciidamada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this