Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: DF oo jawaab rasmi ah ka bixisay go’aanadii kasoo baxay Midowga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay qaraarkii kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee la xiriiray xaaladda is-mari waaga doorashada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan qodob ka mid ah qodobada kasoo baxaya Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, balse ay diidan yihiin laba qodob.

Dubbe ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan qodobka la xiriira in ergey gaar ah uu Midowga Afrika usoo magacaabo Soomaaliya, si uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada Soomaalida, taasi oo uu sheegay inay aheyd soo-jeedin ka timid madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sheegay inay dowladda Soomaaliya ay diidan tahay qodobka la xiriira cambaareyntii uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu u jeediyey muddo kororsigii uu golaha shacabka u sameeyey hay’adaha dowladda iyo madaxweynaha.

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay sidoo kale diidan tahay qodobka la xiriira in ciidamada Amisom ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Dubbe ayaa sheegay in labadaas qodob ay yihiin kuwa ka hor-imanaya madax-banaanida Soomaaliya, oo ay ka dambeeyeen dalalka Kenya iyo Jabuuti. 

Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah 

The post DEG DEG: DF oo jawaab rasmi ah ka bixisay go’aanadii kasoo baxay Midowga Afrika appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this