Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi oo kulan la qaatay guddiga doorashooyinka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Somaliland.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay xubnaha guddida doorashooyinka maamulka Somaliland.

War ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in kulankaas diiradda lagu saaray habsami u socodka qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo degaanka.

Guddida ayaa  madaxweynaha Somaliland warbixin ka siiyay qaban-qaabada iyo hirgelinta hawlaha wakhtigan socda ee qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo degaanka .

Sidoo kale, waxa kulankaas lagaga wada hadlay kharashaadka ku baxaya doorashooyinka iyo ilaa hadda wixii ku baxay, si looga diyaar garoobo arrimaha dhaqaalaha ee doorashooyinka ku baxaya.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale guddida doorashooyinka Somaliland uga mahadceliyay shaqada ay ka qabteen arrimaha doorashooyinka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Biixi oo kulan la qaatay guddiga doorashooyinka Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this