Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo Ergey cusub u soo magaacabay Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Maraykanka oo Ergey cusub u soo magaacabay Geeska Afrika

 

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa u magacaabay Jeffrey Feltman, ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika.

Antony Blinken ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter waxa uu ku sheegay in Jeffrey Feltman uu horseedi doono dadaal diblomaasiyadeed oo dhammaystiran oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka siyaasadeed, nabadgelyo, iyo kuwa bani’aadamnimo ee ka jira gobolka.

Feltman ayaa ah masuul xilal kala duwan kasoo qabtay Waaxda Arrimaha Dibedda iyo Qaramada Midoobay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this