Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo u shaqaaleyey Hay’ada LFA Holding inuu booqdo Washington

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey ee Soomasliya Maxamed Cabdullaahi Farmasjo ayaa la ogaaday inuu bishii hore Lacag farabadan ku bixiyay in Shaqaalaynta Maxadka LFA Holding oo ah Lobiyeyste New York xaruntoodu tahay.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu U shaqaaleeyey Kooxdaan Maraykanka ah iney Aqalka Cad ugasoo dhameeyaan inuu la kulmo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

LFA waxay kaloo gacanta gaysan lahayd in Madaxweyne Farmaajo uu booqdo Congraska Maraykanka isla markaasna waxay kaloo LFA Holding ay soo Abaabul lahayd in Madaxweyne Farmaajo uu Qado la cuno Madaxda Shirkadaha Maraykanka ee maal gashada Afrika iyo Carabta.

Ujeedada ugu weyn waxay ahayd in Uu Madaxweyne Farmasjo uu ka yaraado Culayska Siyaasadeed ee Reer Galbeedka .

Warqadda heshiiska lala galay LFA waxay ku taariikheysan tahay 22-ka Maarso, seddex maalmood ka dib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken uu soo saaray qoraal uu ugu baaqayo Soomaaliya inay qabato doorasho deg dega.

Wararka laga helayo Dad aad uga warqaba Heshiiskaan, Wax guul ah Kama uusan gaarin Madaxweyne Farmaajo, Kooxda uu Madaxweynuhu shaqaaleeyayna Way ku guul daraysteen iney soo dhameeyaan in Farmasjo uu booqdo Maraykanka.

Puntlandi.com Washington

B53B1635-4C04-44EC-98F6-7DB526697216-800

The post Madaxweyne Farmaajo oo u shaqaaleyey Hay’ada LFA Holding inuu booqdo Washington appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this