Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid go’aan ka soo baxay Midowga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si cad uga hortimid war ka soo baxay Midowga Afrika, oo ku saabsan in Ciidamada AMISOM la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidamada Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya xil. Cabdifitaax Qaasim, ayaa sumcad-dil ku sifeeyay go’aanka Midowga Afrika ee ku aaddan in lala socdo dhaqdhaqaaqa ciidamada Soomaaliya, inta uu jiro khilaafka siyaasadeed ee dalka ka aloosan.

Wasiirka ayaa sheegay in waajibaadka AMISOM aysan qayb ka ahayn, in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidamada Soomaaliya, balse shaqadoodu tahay in ay ilaaliyaan xarumaha dowladda iyo madaxda dalka.

AU-da waxa ay soo saartay in Ciidamada AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidanka Soomaalida, Ciidamadii aan rabnay in ay ka madax-bannaanaadaan miyaa la hoos geynayaa, AMISOM shaqadoodu waa in ay ilaaliyaan xarumaha dowladda, madaxda iyo la dagaalanka argagixisada” ayaa laga soo xigtay wasiirka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid go’aan ka soo baxay Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this