Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo qorsheynaya inay dacwad ku oogaan shirkadda AstraZeneca

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Yurub oo qorsheynaya inay dacwad ku oogaan shirkadda AstraZeneca

astra-300x168.jpg

Midowga Yurub ayaa qorsheynaya inuu dacwad ku soo oogo shirkadda dawooyinka sameysa ee AstraZeneca, ka dib markii muddooyinkii ugu dambeeyey ay dhibaatooyin xagga caafimaadka ah kala kulmeen dadyow badan oo qaatay tallaalka COVID-19 ee shirkadaasi ay soo saartay.

Wadamo badan oo Yurub iyo caalamka kale ah ayaa hadda joojiyey isitcmaalka Tallaalkan ka dib markii dadka qaar uu dhiigooda xinjiroobay, halka qaarna kalena la sheegay inay u dhinteen.

AstraZeneca  ayaa sidoo lagu haystaa inaysan ixtiraamin qandaraasyo ay la gashay Midowga Yurub, ayna la habsaantay shixnado talaal ah oo laga sugayey.

Somaliland & Somalia ayaa ka mid ah dalalka Tallaalkan uu gaadhay isla markaana ay dad badan qaateen, hase yeeshee ma jiraan cabashooyin soo yeedhay oo tibaaxaya in lagala kulmay dhibaatooyin caafimaad darro.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this