Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 100 ruux oo ku dhintay doon ku degtay badda Mediterranean

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda socdaalka nuhaajiriinta ee IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 100 qof ay ku dhinteen badda Mediterranean, kadib markii ay degtay doon yar oo sidday dad muhaajiriin ah oo ka badan 130-ruux.

Warbixin hey’adaasi ay soo dhigtay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in doontaasi oo ka sameysneyd caag ay ku degtay meel Woqooyi kaga began caasimada Liibiya ee Tripoli.

Warar ayaa sheegaya inay jiraan laba doonyood oo kale oo ku dhibaataysan badda,xilli hirarka ama mowjadaha badda ay gaaraya  6-mitir .

In ka badan 350 qof ayaa la sheegayaa in sanadkan ay ku dhinteen badda Mediterranean .

Hay’adda socdaalka muhaajiriinta ee IOM ayaa baaq u dirtay dowladaha si ay dib ugu daabulaan maraakiibta baadigoobka iyo badbaadinta badda Mediterranean-ka.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 100 ruux oo ku dhintay doon ku degtay badda Mediterranean appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this