Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo Soo Dhoweeyey Go’aanka Afrika ee Diidmada Muddo Kororsiga Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Yurub oo goordhow qoraal soo saaray ayaa soo dhoweeyey go’aanka uu golaha nabadda iyo amniga Midowga Afrika uu Khamiistii ku diiday muddo kororsiga Farmaajo.

Qoraalka Midowga Yurub waxaa lagu yiri “Midowga Yurub wuxuu taageersanyahay diidmada mudo kordhin kasta wuxuuna rajeynayaa in si dhaqsi leh loogu laabto wadaxaajoodka, oo uu fududeynayo ergayga Midowga Afrika, si loo gaaro is afgarad dhanka doorashooyinka ah, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 Sebtember 2020. Midowga Yurub wuxuu kaloo soo dhaweynayaa baaqa ah in Shirka Wadamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCC) oo lagu qiimeynayo xaalada amni ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, waxaa qoraalka lagu sheegay “Midowga Yurub wuxuu diyaar u yahay inuu si dhaw ulashaqeeyo ergayga midowga afrika, dhanka kale, wuxuu codsanayaa degenaansho iyo in laga fogaado talaabo kasta oo kale oo xaalada sii xumeyn karta.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this