Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Carabta Oo Gaadiid Dagaal Iyo Hub Culus Ka Dejiyey Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntland ugu deeqday gadaadiid kuwa dagaalka ah, oo toddobaadkan laga soo dejiyey magaalada Boosaaso, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon sheegee.

Gadaadiidkan dagaal ayaa gaadhaya illaa 30, waxaana la sheegay inay yihiin nooca Cabdi Bile-ha ay Soomaalida u taqaan ee lagu rakibo hubka culus, sida aanu xogta ku helnay.

Maamulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xoojinaya awoodda ciidamada Puntland, xilli laga cabsi qabo in haddii Farmaajo ay u meel-marto labada sanno ee muddo korodhsiga ah uu dagaal ku qaado Puntland. Xildhibaan ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya oo taabacsan Farmaajo ayaa hore ugu hanjabay inay qabsanayaan Puntland.

Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ka dhaxeeya loolan siyaasadeed oo ka socda, ayaga oo kala taageeraya dowladda dhexe Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada.

Qatar ayaa hadda ah dowladda bixineysa lacagta uu Farmaajo u adeegsanayo muddo korodhsiga, taasi oo laaluush ahaan loo siiyo, guddoonka golaha shacabka xildhibaanada iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka, ee laga cabsida qabo inay kasoo horjeestaan muddo korodhsiga, si loogu aamusiyo.

Qatar waxaa taas usii dheer in lagu eedeeyo inay xidhiidh iyo wada-shaqeyn la leedahay kooxaha argagixisada Soomaaliya, kaalina ka qaadato qaar ka mid ah falalka argagixiso, sida lagu sheegay warbixin uu bishii July 2019 daabacay wargeyska caanka ah ee Mareykanka ee New York Times.

Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.”

Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.”

Qatar waa ay beenisay eedeymahaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this