Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo laga dalbaday in ay la socoto dhaqdhaqaaqyada Ciidanka dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – War murtiyeedka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowha Afrika ayaa looga codsaday AMISOM inay la socoto dhaq dhaqaaqa Ciidamda Amniga Soomaaliya si looga hortaggo iska hor imaadyo ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa laga codsaday inuu qabto shirarka dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya heer Safiiro iyo heer taliyeyaasha ciidamada si looga tashado tilaabooyinka laga qaadi doono dhinacyada Soomaalida haddii ay isku dayaan gacan qaad.

“Waxaa ka codsaneynaa  AMISOM, inta laga cusboonaysiinaayo waajibaadkeeda, si ay ula socoto soo daad gureynta Ciidamada Amniga ee Soomaaliya (SSF), sidoo kale  waxaan  ka codsaneynaa Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, inuu si deg deg ah u qabto shirarka Ciidamada iyo Wadamada Ciidamada ku biiriya Booliska (T / PCCs ), heer safiirnimo, iyo sidoo kale Guddiga Isku-dubbaridka Hawlaha Milatariga (MOCC) ee heerka Taliyeyaasha Difaaca, si loo tixgeliyo saameynta amniga ee is-maandhaafka siyaasadeed ee hadda jira, iyo sidoo kale khariidaynta xulashooyinka wax looga qabanayo iyo yareynta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay si toos ugu fashilantay qorshihii dalalka caalamka ay uga raadinaysay muddo kororsiga, waxayna warbixinta Midowga Africa kuso aaday xilli laga cabsi qabo in Magaalada Muqdisho ay marti geliso dagaal u dhaxeeyo Ciidamad Dowladda iyo kuwa mucaaradka ah.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ka guuray Hotel Jazeera, waxayna dageyn waqooyiga Muqdisho, waxaana guuritaankooda lagu fasiray inay tahay kaarto Militari oo loogu diyaar garoobayo dagaal ka dhan ah Dowladda.

Sidoo kale General Saadaq Joon oo horey u ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa xirtay qeybo kamid ah xaafadda Shiirkole, wuxuuna halkaas ku heystaa ciidamo aad u hubeysan, waxaana laga cabsi qabaa inay weerar ku qaado Dowladda.

The post AMISOM oo laga dalbaday in ay la socoto dhaqdhaqaaqyada Ciidanka dowladda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this