Sign in to follow this  
Deeq A.

Ingiriiska oo taageeray go’aankii Midowga Afrika ku cambaareeyay mudda kordhinta Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Ingiriiska ayaa taageertay go’aanka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ku cambaareeyay mudda kordhinta hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safiirka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Danjire Kate Foster ayaa Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka waxay ku taageertay go’aanka Midowga Afrika oo ay ku tilmaantay mid muhiim ah.

Sidoo kale, waxay soo dhowaysay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika u samaynayo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, si heshiis looga gaaro xaaladda cakiran ee siyaasadeed, gaar ahaanna arrimaha doorashooyinka dalka.

1-25.jpg?resize=1000%2C1312&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ingiriiska oo taageeray go’aankii Midowga Afrika ku cambaareeyay mudda kordhinta Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this