Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo taageeray Mawqifka Golaha Amaanka Midowga Afrika ka qaatay muddo korodhsiga Farmaajo+Qoraal rasmiya

Recommended Posts

Deeq A.   
 Maraykanka oo taageeray Mawqifka Golaha Amaanka Midowga Afrika ka qaatay muddo korodhsiga Farmaajo
 blinkin-300x168.jpg

Maraykanka ayaa taageeray cambaareyntii uu golaha nabada iyo amniga Midowga Afrika u jeediyey muddo korodhsiga madaxda dowlada Somalia.

Qoraal caawa kasoo baxay Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu soo dhaweeyay dhexdhexaadinta Midowga Afrika, iyadoo madaxda Soomaalida loogu baaqay inay heshiis degdega ka gaadhaan Doorashada.

“Waxaan taageersannahay go’aankii Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ee lagu cambaareeyay muddo kordhinta ay usbuucii hore ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaanu soo dhaweynaynaa dhexdhexaadinta Midowga Afrika” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Qeybta Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka. 

Maraykanka ayaa ku boorriyay madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah iskugu raacaan wadahadal iyo qorshe lagu xallinayo xiisadda ka dhalatay doorashada iyo muddo korodhsiga.

 

We support the African Union Peace and Security Council @auc_paps decision condemning the mandate extension passed last week by the Somali parliament. We welcome @_AfricanUnion mediation & urge Somalia's leaders to agree to a way forward to resolve the electoral crisis promptly.

— Bureau of African Affairs (@AsstSecStateAF) April 22, 2021

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this