Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   
Qarxis.jpg?resize=540%2C367&ssl=1

Roobab mahiiggaan ah, ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay inta badan degaannada Gobolka Nugaal, oo abaar iyo kulayl darani ka jiray.

Roobabka ayaa ka da’ay dhul ballaaran oo ka tirsan Hawdka Gobolka Nugaal, islamarkaana dhinaca koonfurta kaga beegan magaalada Garoowe.

Sidoo kale, Roobka ayaa maaruqay degaannada dhanka bari ka xiga caasimadda Garoowe, waxaana la sheegay in uu daadad xooggan ka sii daayay dooxooyin ka tirsan degmooyinka Dangoroyo iyo Eyl.

Waxa xusid mudan, in Roobabka Gu’ga aysan gaarsiisnayn magaalada Garoowe iyo nawaaxigeeda, halka Gobolka intiisa badan uu roobanyahay.

PUNTLAND POST

The post Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this