Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo taageeray go’aankii Midowga Afrika, farriin deg deg ahna u diray madaxda Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa taageertay qoraalkii kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee sida xooggan loogu cambaareeyey muddo kororsiga labada sano ah ee ay sameysteen Farmaajo iyo golaha shacabka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa lagu yiri “Waxaan taageereynaa go’aanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee cambaareynaya muddo kororsiga uu toddobaadkii tegay meel-mariyey baarlamanka Soomaaliya.”

“Waxaan soo dhoweeneynaa dhex-dhexaadinta Midowga Afrika, waxaana ugu baaqeynyaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay isku racaan waddo horey loogu socdo, si deg deg loogu xalliyo qalalaasaha doorashada.”

We support the African Union Peace and Security Council @auc_paps decision condemning the mandate extension passed last week by the Somali parliament. We welcome @_AfricanUnion mediation & urge Somalia’s leaders to agree to a way forward to resolve the electoral crisis promptly.

— Bureau of African Affairs (@AsstSecStateAF) April 22, 2021

War-murtiyeedka xalay kasoo kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee lagu cambaareeyey muddo kororsiga ayaa lagu sheegay in go’aankaas uu dib u dhigayo doorashooyinkii Soomaaliya, islamarkaana uu waxyeeleynayo midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo hanaankiii lagama maarkmaanka ahaa ee dimqoraadiyadda iyo dastuurka.

Qoraalka Golaha ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu rumeysan yahay in heshiiskii 17-ka September 2021 uu yahay saldhigga iyo habka ugu wanaagsan ee lagu qaban karo doorasho xilligeeda ku dhacdo, daah-furan oo la isku haleyn karo.

Go’aanka Golaha ayaa dhabarjab weyn ku noqday Farmaajo, ayada oo ururka Midowga Afrika uu ahaa kan kaliya ee ka harsanaa beesha caalamka, ayada oo horey muddo kororsiga ay u diideen QM, Midowga Yurub, Mareykanka iyo dhammaan dalalka Yurub. 

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin go’aanka Midowga Afrika, hase yeeshee dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa sheegay inuu albaabkii ugu dambeeyey kasoo xirmay Farmaajo,  marka ay noqoto arrinta muddo kororsiga. 

The post Mareykanka oo taageeray go’aankii Midowga Afrika, farriin deg deg ahna u diray madaxda Soomaalida appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this