Sign in to follow this  
Deeq A.

Falkii maanta Garoonka Aaden Cade ka dhacay waa sababta Deni U diiday in Ciidamada Farmaajo ay yimaadaan Afisyooni

Recommended Posts

Deeq A.   

Shaqaalaha iyo Ciidamada taageersan Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey falkii ay maanta ka sameeyeen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxay ahayd Fadeexadii ugu foosha xumayd oo soo marta Soomaaliya.

In Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha lagu baacsado Wadada Diyaaraduhu ku ordaan Xili ay Garoonka fadhiyeen Diyaarado Caalami ah oo Markhaati ka ahaa wixii maanta dhacay.

Nasiib wanaag Ciidamada Amisom ayaa Dhalinyarada weerarka geystay kasoo reebay hubkii ay wateen ka hor intaysan Garoonka soo galin, Ka waran hadii ay hubaysnaan lahaayeen?.
Madaxweynaha Puntland markii uu dalbanayay in laga ilaaliyo Ciidamada Farmaajo inay hub lasoo galaan Goobaha lagu Shirayo, wuxuu ogaa in Wiilasha taageersan Ama u jilbaysan Farmaajo ee uu Ciidamada ka dhigtay ay yihiin kuwo aan haba yaraatee Xishood iyo Anshax lahayn Waxaa taas ka markhaati ah Falkii ay maanta ka geysteen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Sawirkaan hoose waa wixii maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aaden Cade

08AB871D-89C1-4F52-87E0-027C40C50C19-800 2E673795-BC5F-4C1B-B277-898FAE10C20E-375

Sawirkaan hoose waa Ciidamada Puntland ee Ilaalada Madaxweynaha oo Muqdisho kaga soo hormaray Madaxweyne Deni Bishii hore ee Maarso

8A14D525-222D-4457-9F9D-296934E3C4A4.jpe

The post Falkii maanta Garoonka Aaden Cade ka dhacay waa sababta Deni U diiday in Ciidamada Farmaajo ay yimaadaan Afisyooni appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this