Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA iyo Shaqaale ku dagaalamay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16187537379072516.jpg?resize=720%

Dagaal gacan ka hadal ah ayaa maanta gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA) iyo Shaqaalaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Gacan ka hadalka waxaa ka dhashay dhaawacyo soo gaaray dhowr qof oo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay iyo burbur xoogan oo gaaray agabkii shaqada ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Gacan ka hadalka ayaa la sheegay in uu dhashay markii dad ajnabi ah oo garoonka ka soo degay ay Waaxda Socdaalka ku hakisay qeybta hubinta, lagana dalbaday damaanad iyo cida ay u socdaan, hase ahaatee intii ay howshaas socotay ay Nabadsugida dharcada ee garoonka dalbadeen in ay la wareegaan, balse ay shaqaalaha Waaxda Socdaalka diideen.

Taliyaha hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi iyo mas’uuliyin kale ayaa gaaray garoonka, kuwaas oo xal ka gaaray muranka gacan ka hadalka isku bedelay ee dhexmaray NISA iyo Shaqaalaha Hay’adda Socdaalka.

Shaqaaqadan ay saameyn ku yeelatay muddo saacado ah shaqada garoonka, inkastoo markii dambe ay xaaladda garooonka  si caadi ah kusoo noqotay.

PUNTKAND POST

The post NISA iyo Shaqaale ku dagaalamay garoonka diyaaradaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this