Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wakiillada Oo Ansixiyey Sharci Cusub Oo Diidaya In Mustaqbalka Madaxweyne Maraykan Ah Uu Awood U Yeesho Inuu Xayiraad Socdaalka Ah Kusoo Rogo Muslimiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Golaha Wakiilada ee Maraykanka ayaa arbacadii shalay ansixiyey sharci cusub oo diidaya in mustaqbalka Madaxweyne Maraykan ah awood u yeesho inuu xayiraad socdaalka ah kusoo rogo muslimiinta dalkaasi booqanaya.

Sharcigan oo loogu magacdaray (NO BAN Act,) ayey soo diyaariyeen xisbiga Dimuquraadiga ayaa ah mid ka yimid Xayiraadii Socdaalka ee uu Madaxweynihii hore Donald Trump kusoo rogay muslimiinta kasoo jeeda dalalka Islaamka ah oo ay Soomaaliya kamid tahay oo loo diiday inay booqdaan wadankaasi.

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden ayaa hore u laalay xayiraadii Trump kadib markii uu xilka qabtay.

Xisbiga Dimuquraadiga ayaa sharcigan uga gol leh in mustaqbalka mar danbe go’aan noocaan ah aanu awood u yeelan inuu gaadho Madaxweyne Maraykan ah.

Sharcigan oo loo gudbiyey Golaha Aqalka Sare (Senate-ka) ayaa waxaa codkooda ku taageeray 218 xildhibaan oo xisbiga Dimuquraadiga ah halka ay diideen 208 oo ah kuwa Jamhuuriga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this