Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika Oo Maanta Ka Shiraya Xaaladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa shir xasaasi ah maanta waxa ay ka yeelanayaan arrimaha Soomaaliya, iyadoo shirkaasina uu ka dhici doono xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Kulankan ayaa imanaya kadib markii dhowaan uu Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka codsaday Midowga Afrika inay dhexdhexaadin ka galaan khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Sidoo kale kulan ay Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay dhowaan yeesheen waxa ay dalbadeen in Arrimaha Soomaaliya loo daayo Midowga Afrika.

Xubnaha Midowga Afrika ayaa waxaa la filayaa in shirkooda ay kusoo magacaabaan Ergey cusub oo dhex dhexaadiya saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, si xal looga gaaro khilafka xoogan ee weli ka taagan doorashada Soomaliya.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoog leh saareysa mas’uuliyiinta Soomaaliya inay xal waara ka gaadhaan khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this