Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey shaqaaqo maanta ka dhacday garoonka Muqdisho + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in barqanimadii maanta ay ka dhacday shaqaaqo u dhexeysay ciidamo ka tirsan NISA iyo shaqaalaha waaxda hay’adda socdaalka.

Shaqaaqadan oo sababtay gacan ka hadal ayaa lagu soo warramayaa inay sidoo kale dhalisay in muddo kooban ay hakad gasho shaqada garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale waxaa gacan ka hadal-kaasi ka dhashay xaalad halis ah, waxaana dhaawacyo fudud ay soo gaareen qaar ka mid ah shaqaalaha, halka ay burbureen agabyo yaallay xafiisyada lagu dhex-dagaalamay ee gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Xiisadan ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhalatay, kadib markii shaqaalaha garoonka iyo ciidanka NISA ay isku qabteen dad ajaaniib ah oo NISA u socday, kuwaas oo loo diiday inay gudaha usoo galaan dalka, iyadoo aan la hubin waxa ay yihiin & ujeedka socdaalkooda.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in goobta ay shaqaaqadu ka dhacday uu goor dambe tegay taliyaha hay’adda socdaalka jinsiyadaha, Maxamed Aadan Koofi oo xalliyey arrintaasi, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa garoonka Aadan Cadde.

Arrintan ayaa sababtay walaac xoogleh oo soo wajahay shaqaalaha kala duwan ee garoonka ka howl-gala dadka kale ee safraya ama kasoo dagaya garoonka Muqdisho.


177338606_245565763983949_13865217793611 177217885_245565753983950_90634210960729 176787150_245565750650617_87784365917924

The post Wararkii ugu dambeeyey shaqaaqo maanta ka dhacday garoonka Muqdisho + Video appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this