Deeq A. Posted April 22, 2021 Dhaqtar caan ah ayaa saaka oo Khamiis ah lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho, sida laga soo xigtay Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya. Dabley hubaysan ayaa xaafadda Al-Barako ee degmada Hodon ku dilay dhaqtarkaas oo magaciisa lagu sheegay Dr Xasan Cismaan Ciise (Dr Buurane,) islamarkaana caan ka ahaa Muqdisho. Dr Buurane oo ku takhakhusay xanuunnada maqaarka, waxa uu ka hawlgeli jiray xarun caafimaad oo ku taal Muqdisho. Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuumkaas. PUNTLAND POST The post Dhaqtar caan ah oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites