Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo soo iibsaday gaadiid dagaal iyo hub badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay in uu soo iibsaday gaadiid dagaal iyo hub faro badan oo uu isku difaaco, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo xog ogaal ah. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu soo iibsaday gaadiid gaaraya ilaa 8 gaari oo kuwa dagaalka ah, iyadoo ay hore ugu yiileen gaadiid dagaal oo kale. 

Sidoo kale xogta ayaa tilmaameysa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu soo iibsaday hub u badan BKM, Sabanka, iyo qoryaha dhashiikaha ah ee gaadiidka la saaro iyo hubka fudud. 

Arrimahaan ayaa ka dambeeyay kadib markii ay magaalada Muqdisho gashay xaalad amni oo hubinti la’aan ah, taas oo ka dhalatay muranka doorashada Soomaaliya, lagana cabsi qabo in dowladda ay weerarto mucaaradka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kamid ah Murashaxiinta mucaaradka ah kuwa ugu cad cad, ayaa sidoo kale waxa uu ugu horreeyaa siyaasiinta Mogadishu Clan ee diidan muddo korarsiga sharci-darrada ah ee madaxweyne Farmaajo. 

Wali magaalada Muqdisho waxaa ka jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, iyadoo aysan jirin wax dedaal ah oo socda islamarkaana lagu raadinayo xalka doorashada Soomaaliya.

The post CC Shakuur oo soo iibsaday gaadiid dagaal iyo hub badan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this