Deeq A. Posted April 22, 2021 Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay goordhow xaafadda Albaraka ku toogteen Dr Xasan Cismaan Ciise (Buurane) oo ka mid ahaa dhaqaatiirta caanka ee Soomaaliyeed ee ka howl-gala gudaha magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in dhaqtarka lagu dilay, isaga oo horfadhiyey guri uu leeyahay oo uu dhisme ka socday, kaas oo ku yaalla, isla xarunta uu ka howl-galo ee Albaraka. Dhaqtar Buurane oo ku taqasuusay xanuunada maqaarka ayaa sano badan kusoo jiray howlaha caafimaadka, wuxuuna mar soo noqday agaasimaha isbitaalka Madiina. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey falkan ay goobta isaga baxsadeen toogashada, kadib waxaana halkaasi tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka. Illaa iyo hadda ma cadda sababta loo dilay dhaqtarka oo si weyn caan uga ahaa gayiga Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca koonfurta ee dalka. Dilkan qorsheysan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. The post Dr Buurane oo goordhow lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites