Deeq A. Posted April 21, 2021 Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland ayaa maanta weeraray saldhiga bartamaha magaalada Garoowe, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay labo askari. Ciidamada weeraray saldhiga ayaa watay gaari tikniko ah, waxayna xoog kula baxeen taliyihii hore ee ciidamada dowladda hoose ee degmada Goroowe oo la xiray markii uu diiday xilka qaadis lagu sameeyay. Sidoo kale ciidamada ayaa mar kale xoog u la baxay labo askari oo ka tirsanaa saldhiga oo loo xiray ku lug lahaanshaha weerarkii hore. Ciidamada saldhiga Garoowe weeraray ayaa kamid ahaa ciidamo Boolis ah oo dhawaan lagu soo tababaray xerada Xorgoble ee Qardho. Booliska Puntland ayaa ka hadlin falkan, waxaana xiriiro aan la samaynay saraakiil ka tirsan Booliska Puntland ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dhacdadan. PUNTLAND POST The post Ciidamo weerary saldhiga dhexe ee Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites