Deeq A. Posted April 21, 2021 Waysadu waa lafdhabarta salaadda, iyada la’aanteed salaad lama aqbalo sida ka sugan Rasuulka Xadiiska Abu Hurayra warinayo ee Bukhaari soosaaray, “Ilaahay ma aqbalo salaad aan wayso lahayn.” Waa wax cad in aanay suurtagal ahayn qof aan wayso qabin in uu salaad tukado, laakiin waxa la iswaydiiyaa qofka maydhay isaga oo aan waysaysan ma tukan karaa? Su’aashaa waxa keenay xadiiska Caasha ee sheegay: Rasuulku kolka uu maydho muu waysaysan jirin. Fahanka iyo sharraxa xadiiskan fuqahadu waxay ku soo ururiyeen in maydhashada la jeedaa ay tahay midda jinaabada oo ay leeyihiin qofku hadduu maydhashada ka hor waysaysto oo aanay waysadu ka jabin kolka uu maydho wayso uma baahna. Xadiiska Caasha ee ah: “Rasuulku kolka uu maydho muu waysaysan jirin.” Fahannada laga qaato waxa ka mid ah qofka oo maydhasho qabowsi ah maydhay in uu tukado isagoo aan waysaysan isagoo dhaqangelinaya xadiiskan. Fuqahadu waxay si cad u sheegeen in aan la khalad fahmin xadiiska oo lala akhriyo axaadiiska kale ee mawduucan ay ka wada hadlayaan. Fuqahadu waxay leeyihiin maydhashada caadada ah ee qofku naftiisa u qabowsanayo ama isku nadiifinayo iyo midda cibaadada ah ee jinaabo ama xayd laga maydhanayo waxa kala saarta ee u dhaxaysaa waa niyadda. Niyaddaa caadada iyo cibaadada kala saarta kolkaas maydhashada aan cibaado ahayn lagu dhaqangelin maayo xadiiskan. W/Q Cabdirisaaq Rakuub Source Share this post Link to post Share on other sites