Sign in to follow this  
Deeq A.

Iiraan oo walaac ka muujisay shirkii Nukliyeerka ee ka socday Vienna

Recommended Posts

Deeq A.   

Xilli gelinkii danbe ee shalay la soo gabagabeeyay wareegii labaad ee wadahadaladii ka socday Vienna, ee ku saabsanaa heshiiskii Nukliyeerka Iiraan, ayay u qaabilsanayaashii Dehraan, waxay shirka ka muujiyeen walaac.

Shirkan oo ahaa mid  xasaasi ah ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Vienna, caasimadda Austria, kaa oo la filaayay in ay ka soo bixi doonaan is afgarad laga gaaro arrinta Nukliyeerka Iiraan, balse waxay u muuqataa in madaxa wada xaajoodka Iiraan, Cabaas Caraqji, uusan ku qanacsaneed habka uu u socda shirka.

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibada Iiraan oo la hadlayay warbaahinta, shalay gabal dhacii ayaa carabka ku adkeeyay in halis badan ay ku hor dadbantahay guusha wadahadalada, isagoo intaa ku daray in ay muhiim tahay  in la fahmo mowqifka Iiraan ee heshiiskan.

Dhamaan wufuudda ka qeyb gashay shirka ayaa dib ugu laaban doona waddamadooda, si ay ula tashadaan madaxdooda, kahor inta aan markale lagu soo laaban miiska wadahadalada, wareega saddexaad ee shirka oo meeshiisa ka sii socon doona Toddobaad kadib.

PUNTLAND POST

The post Iiraan oo walaac ka muujisay shirkii Nukliyeerka ee ka socday Vienna appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this