Sign in to follow this  
Deeq A.

Derek Chauvin oo lagu helay danbi ah inuu dilay Goerge Floyd

Recommended Posts

Deeq A.   
1-21.jpg?resize=700%2C394&ssl=1Derek Chauvin

Derek Chauvin oo ah askari horay uga tirsanaa booliska magaalada Minneapolis, kuna eedeeysnaa dilka Goerge Floyd oo ahaa nin madow ayaa lagu helay dhammaan danbiyadii lagu soo oogay.

Chauvin ayaa lagu helay saddex danbi oo kala ahaa, darajada labaad ee dil aan qasdi aheyn, darajada saddexaad ee dil ula kac ah iyo darajada labaad oo ah dil aan ula kac aheyn.


Floyd ayaa sannadki hore u dhintay neef-xiran, kaddib marki uu muddo 9 daqiiqo ah uu surka jilibkiisa ugu taakeeyay Derek Chauvin oo markaasi ahaa askari ku jira waajibaadkiisi shaqo.

Muuqaalkii laga duubay dhacdada ayaa kiciyay, mudaaharaadyo ruxay Ameerica lagana dareemay inta badan caalamka.

Chauvin ayaa la xiray kaddib markii lagu dhawaacay xukunkiisa, iyadoo garsooraha maxkamadda degmada Hennepin uu laalay damaanaddii uu bannaanka ku joogay, wuxuuna sugi doono ciqaabta dambigii lagu helay, kaas oo sideed todobaad kaddib lagu dhawaaqi doono.

PUNTLAND POST

The post Derek Chauvin oo lagu helay danbi ah inuu dilay Goerge Floyd appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this