Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo kala dirtay Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   
2-22.jpg?resize=750%2C430&ssl=1

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xalay kulan afur ah la qaatay Madaxda Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed.

Guddigan oo ay markii hore magacowday Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa muddo 6 bilood ka taagnaa khilaaf xoogan, kuwaasi oo aan wax shaqo qaban tan iyo markii la dhisay, iyadoona ugu dambeyn xalay kala diray.

Guddiga ayaa waxaa la dejiyay hoteelo ku yaalla Muqdisho oo maalmo lagu siinayay Seminaaro ku aadan doorashooyinka, isla markaana soo saaray War-saxaafadeedyo kala duwan oo ay uga hadlayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo baaqyo ku socda Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalk Mahdi Guuleed ayaa guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed uga mahad celiyay dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6-da bilood.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo kala dirtay Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this