Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda cakiran ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Amniga Qaramada Midoobay, ayaa ku baaqay in dib loogu laabto wada-hadalladii u dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ee ka socday xarunta Afisyooni.

Golaha ayaa shalay kulan gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin ka yeeshay xasaradda siyaasadeed ee ka aloosan Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha doorashooyinka, kadib markii dowladda Federaalku sheegtay in ay laba sano ku darsatay mudada xil-haynteeda.

Kulanka Golaha Amniga, ayaa sidoo kale warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya looga dhegaystay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaaliya James Swan.

Qarmada Midoobay waxay hore u sheegtay in aysan taageri doonin mudda kororsi, doorasho aan loo dhammayn iyo fal kasta oo keeni kara amni darro iyo fowdo.

PUNTLAND POST

The post Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda cakiran ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this