Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanbaloolshe oo beeniyey warar laga faafiyey oo la xiriira madaxweyne FARMAAJO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa baaniyey warar laga faafiyey oo ku saabsan inuu taageeray muddo kororsiga madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. 

“Waxaan arkay warar meelaha lagu soo qoray oo sheegaya in aan si aad ah u dhaliilay mucaaradka isla markaasna aan ku baaqay in Farmajo iska jooga waxaan cadeynayaa in uu warkaasi yahay waxba kama jiraan iyo been abuura la iga faafiyey,” ayuu Sanbaloolshe ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook.

“Aniga mowqifkeygu waa cadyahay oo waa in Farmajo iyo damaciisa xukun boob ka ah dalka laga badaadiyo oo si cad oo aan gambasho la heyn looga hor yimaado. Waxaan si weyn u boogaadinayaa una taagerysanahay mowqifka mucaaradka iyo go-aanka shir weynaha Mogadishu Clan ee maanta lagu qabtay muqdisho oo hal ku dhiigiisa ahaa no extension.”

Ma cadda, cidda faafisay wararka Sanbaloolshe uu beeniyey, hase yeeshee maalmihii dhowaa waxaa jiray dadaallo ay wadeen dad ku xiran madaxweyne Farmaajo oo baraha bulshada aad ugu faafinayey warar lagu kala qeybinayo mucaaradka.

Dadka faafinayey wararkan ayaa qaarkood waxay ka shaqeeyaa warbahainta dowladda, qaarna maamulka gobolka Banaadir, waxaan dadaallada ay wadeen ka mid ah in hab qabiil loo kala qeybiyo mucaaradka, inkasta oo aysan ku guuleysan.

Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa ka mid ah xubnaha sida weyn u mucaaradsan Farmaajo, ee aan xitaa la gaban hadallada, wuxuuna marar badan beelaha Mogadishu Clan usoo jeediyey inay iska kiciyaan Farmaajo, xitaa ka hor inta aanu muddo xileedka ka dhammaan 8-dii Febraayo.

The post Sanbaloolshe oo beeniyey warar laga faafiyey oo la xiriira madaxweyne FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this