Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo Sheekh Shariif: “War ma harin, waa in jawaab deg deg ah la bixiyaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyey shirweynihii beelaha Mogadishu Clan ee Muqdisho ka dhacay ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in xilligaan shaki la geliyo doorashooyinkii soo jireenka ahaa ee dalkan.

Waxa uu sheegay in dadku ay mudo soo dul qaadanayeen, balse hadda ay qasab tahay in go’aan deg deg ah la qaato oo doorashada laga heshiiyo.

“In ku filan dadka Soomaaliyeed waa ay u soo dul qaateen dowladda, cod dheer ayey mudo dheer kula hadlayeen, balse maanta war ma harin, waa in jawaab deg deg ah la bixiyo oo la tago teendhadii Afisyooni, doorashana la aado,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweyne Shariif Sheekh mas’uuliyadda waxa dhacaya oo dhan waxa uu dusha ka saaray madaxweynaha wartigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Cidda doorashada diidan waan wada ognahay oo teenadhadii gogoshu taalay kasoo tagtay, tii halkaan ka fidsaneed laabtay, masuuliyaddu laba maaha hal qof ayaa iska leh, madaxweynuhu hadii uusan go’aansan in dalka ay doorasho ka dhacdo, cid ka qaban karta ma jirto, meeshaan waan soo marnay waana naqaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Shariif.

Sidoo kale waxa uu sheegay in cid kale aysan eed ku laheyn waxa socda, isagoo u mahad celiyey beesha caalamka, waxuuna muwaadiniinta Soomaaliyeed ku baraarujiyey in dowlad dhiska dalkan ay daacad ka noqdaan.

“Madaxweynaha iyo madax goboleedyada, waxaan ugu baaqeynaa in teendhada degdeg loogu noqdo, hadii taasi dhici weyso, wixii dhaca masuuliyadooda waxaa si gaar ah u qaadaaya madaxweynaha,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyey shirweynihii beelaha Mogadishu Clan ee Muqdisho ka dhacay.

Hoos ka Daawo

The post Daawo Sheekh Shariif: “War ma harin, waa in jawaab deg deg ah la bixiyaa” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this