Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii waddanka Chad Idriss Deby oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii waddanka Chad, Idriss Deby Itno, ayaa maanta oo Talaado ah lagu dilay gudaha dalkaas, sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan Ciidamada.

Idriss Deby oo dalka ka talinayay mudda 30 sano ah ,islamarkaana dhowaan dib loo doortay, ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray isago ka qayb-qaadanayay dagaal dowladdu kula jirto mucaaradka.

Deby ayaa Isniintii sheegay in uu tegayo jiidda hore ee dagaalka, si uu ugu biiro ciidamada la dagaalamaya wax uu ku tilmaamay “argagixisada,” waxaana lagu dhaawacay booqashadaas.

General Mahamat Idriss Deby Itno oo loo yaqaan Kaka, oo ah wiilka hoggaamiyaha geeriyooday, ayaa loo magacaabay madaxweynaha ku-meel garaka ah ee dalka, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynihii waddanka Chad Idriss Deby oo la dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this