Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Madaxweyne Afrikaana  oo Shalay ku guulaystay Kursiga Madaxweynaha Dalkiisa oo lagu dilay Jiida hore ee Dagaal uu la galay Mucaarad ka soo horjeeda.

Recommended Posts

Deeq A.   

 Madaxweyne Afrikaana  oo lagu dilay Safka hore ee Dagaal uu kula jiray Mucaarad ka soo horjeeda.

deby-300x150.jpg

Madaxweynaha dhowaan dib loo doortay ee dalka Chad Idriss Deby Itno, oo xukunka hayey in ka badan 30 sano, ayaa maanta u geeriyooday dhaawac soo gaaray isaga oo ka qeyb qaadanaya dagaal ay dowladda kula jirto mucaaradka oo ka socda waqooyiga dalkaas, waxaa sidaas sheegay ciidamada.

Le maréchal Idriss Deby serait décédé, selon une déclaration lue à la Télé #Tchad. pic.twitter.com/0pNPfA8FaB

— THOMAS DIETRICH (@thomasdietrich0) April 20, 2021

Deby, “ayaa hadda ay ka baxday neeftii ugu dambeysay ee difaaca madax-banaanida dalka,” isaga oo ku sugan goobta dagaalka, waxaa sidaas war-saxaafadeed laga aqriyey taleefishinka dowladda ku yiri afhayeenka ciidamada General Azem Bermandoa Agouna.

Deby ayaa Isniintii sheegay inuu tegayo jiidda hore ee dagaalka, si uu ugu biiro ciidamada la dagaalamaya “argagixisada,” waxaana lagu dhaawacay booqashadaas.

General Mahamat Idriss Deby Itno oo loo yaqaan Kaka, oo ah wiilka hoggaamiyaha geeriyooday, ayaa loo magacaabay madaxweynaha ku-meel garaka ah ee dalka, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada.

Mucaaradka Chad oo fadhiggoodu yahay dalka Libya ayaa maalinkii doorashada soo weeraray xuduudda, waxayna boqolaal km kusoo siqeen koonfurta dalka.

Deby oo 68 sano jir ahaa ayaa xukunka ku yimid kacdoon dhacay 1990-kii, wuxuuna ahaa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu muddada dheer Afrika. Waxaa mar kale la shaaciyey inuu markii lixaad xilka madaxweynaha ku guuleystay, Isniintii shalay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this