Sign in to follow this  
Deeq A.

Masuul ka tirsan Dawlada Somalia oo Qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Masuul ka tirsan Dawlada Somalia oo Qarax lagu dilay

qarax-2.jpg

Guddoomiye ku xigeenkii dhinaca siyaasadda degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, ayaa saaka ku geeriyooday qarax lala beegsaday gaadhigiisa, siday xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Amniga dowladda Soomaaliya.

Marxuum Cabdi Maxamed Maxamuud, oo ku magac dheera Fidicow, ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaadhay qarax lagula beegsaday xaafadda Daaru-salaam ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa waxa sidoo kale dhaawacyo ka soo gaadheen qaar kamid ah ilaaladiisa gaarka ah.Ururka Al-shabaab, ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxaas lagu dilay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee degmada Dayniile.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this