Deeq A. Posted April 20, 2021 Wararka naga soo gaarayo Xaafadda Darusalam ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay Qarax xoogan. Qaraxan oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa lala eegtay gaari uu la socday Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada degmada Dayniile Cabdi Maxamed Maxamuud. Wararka ay GoobJoog Heleyso ayaa sheegaya in qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray Gudoomiye ku-xigeenka . Illa iyo hadda Ma caddo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa. Wixii Faahfaahin ah ee ka soo kordha warkan kala soco GoobJoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites